Sheekh Shariif oo ka hadlay xaaladda amni ee dalka iyo doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta ka hadlay xaaladda amni ee dalka Soomaaliya, xili maalmihii dhaafay ay dhaceen Qaraxyo iyo weeraro geystay khasaaro farabadan.

Madaxweyne Shariif ayaa waxaa uu sheegay in xaaladda amni ee dalka sii xumaaneyso, isla markaana wax laga xumaado ay tahay weerarkii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo qaraxyadii Baladweyne oo mid lagu dilay Allaha u naxariistee Marxuumad Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

“Xaaladda amniga dalka waa ay sii xumaanaysaa, waxaa muuqda dayac ay sameeyeen hey’adaha Amniga, waxaan aad uga xumahay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne” ayuu MD Shariif.

Wuxuu sheegay Shariifka inay muuqato dayac amni oo ay sameeyeen hay’addaha amniga dowladda Federaalka, xili la filayo in dhawaan Magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda.

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo weerarkii khasaaraha dhaliyey ee lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde, si mas’uuliyada falkaas cid u qaadato, loona ogaado dadkii ku lugta lahaa weerarkaas dhacay.

“Waxaan ku baaqayaa in la dedajiyo doorashada si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ku baaqay in la dedajiyo doorashada, si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata, isla markaana laga fogaado dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada.