Sheekh Shariif oo ka hadlay xilka qaadista Xubnii Guddiga Khilaafaadka.

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.
Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihi hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhoweeyay talaabada uu xilka uga qaaday Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Sheekh Shariif ayaa tallaabada uu qaaday Rooble ku tilmaamay mid kor u qaadaysa daah furnaanta doorashooyinka, isla markaana ka hortageysa boobka kuraasta, ayna kalsooni galinayso daneeyayaasha doorashada iyo dadka leh kuraasta Baarlaamanka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga ayaa adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in doorashada ku socoto hab hufan oo loo dhan yahay, wxuuuna intaas kusii daray in Golaha Wadatashiga Qaranka laga rabo in ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo dib loogu saxayo qaladaadka.

“Waxaan adkaynaynaa in ay lagama maarmaan tahay in doorashada ku socoto hab hufan oo loo dhan yahay, Ra’isu lwasaaraha iyo Golaha Wadatashiga Qarankana waxaa laga rabaa in ay qaadaan talaabooyin dheeri ah oo dib loogu saxayo qaladaadka doorashada ee cabashooyinka keenay” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Inta badan Midowga Musharaxiinta ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay xilka qaadistii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku sameeyay qaar kamid ahaa xubnaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka, kuwaasi oo ku milmay Arrimaha Siyaasadda, iyagoo lagu eedeeyey inay doorashada u boobayeen Madaxweyne Farmaajo.