Sheekh Shariif oo ku baaqay in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka

Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.
Sheekh Shariif oo ka hadlay kulanka Midowga Musharaxiinta ay la yeesheen Wakiilada Caalamka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneyso xilligan.

Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku baaqay in Golaha wadatashiga Qaranb iyo guddiga doorashada ay qaadaan tillaabo degdeg ah lana doorto guddoonka Baarlamaanka labada Aqal.

Hoos ka akhriso.

Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday, sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida: IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso:

1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.

2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.

Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.