Sheekh Shariif oo ku guuleystay arrin uu ku guuldareystay Xasan Sheekh.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay la socdan masuuliyiin badan ayaa gaaray degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeelada dhexe.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir, xubno kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle, Guddoomiyaha Sh/ Dhexe iyo madax kale.

Ujeedka madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa ah inay xal ka gaaraan beelo dhowaan ku dagaalamay inta u dhaxeysa Cadale iyo Raage-Ceelle kuwaas oo dhexmaray dagaal adag.

Mas’uuliyiintaan ayaa xalay sidaan oo kale degmada Raage-Ceelle kula kulmay Odayaasha dhinaca kale ee qeybta ka ahaa colaaddii maalmahaan ka taagneed Shabeelada Dhexe.

Labada beelood ee dagaalmay ayaa ogolaaday xabad joojin, waxaana si rasmi ah loo guda geli doonaa wadahadalada labada dhinaca ah si meesha looga saaro dagaal muddooyinkii dambe ka socday Gobolka Shabeelada Dhexe.