Sheekh Shariif oo la shiray Cali Guudlaawe iyo Saciid Deni.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankooda xalay ayaa waxa ay uga hadleen xaaladaha guud ee dalka, iyo arrimaha doorashooyinka oo gabo gabamaraya.

Guudlaawe ayaa cadeeyey inuu garab taagan yahay sheekh Shariif, sidookale Madaxweyne Shariif uu yahay qofka ugu fursadaha fiican tartamayaasha sanadkan 2022.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlaad Goboledka Puntland Siciid cabdullaahi Deni oo ku sugan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kulan gaar ah waxaa uu la yeeshay Musharrax Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed.

Kulanka dhexe maray Labada Musharrax Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweyne hore iyo Musharrax Siciid Deni Madaxweynaha Puntland la xiriiray xaaladda Siyaasadda dalka ayaa lagu gorfeynayaa arrimaha doorashada gaba gabada ah iyo isbeddelka siyaasadeed ee la filayo.