Sheekh Shariif oo lacag farabadan ugu deeqay Guddiga Gurmadka Abaaraha

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo kulan la qaatay guddiga Qaran ee Gurmadka abaaraha ayaa ka dhegeystay warbixin la xiriirta xaaladda abaaraha dalka iyo saameynta ay ku yeelatay nolosha bulshada.

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa waxaa uu Guddiga gurmadka ku wareejiyay lacag dhan $20,000 kun oo dollar oo uu uga qeyb qaadanayno dadaalada loogu Gurmanayo dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay ee kunool qeybo kamid ah dalka.

“Bulshada Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad waxaan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan dadka wax haysta” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Waxaan sidookale soo jeedinayaa in la badiyo Alle bariga iyo salaadda si ilaah nooga dulqaado abaarahan iyo colaadaha”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan gurmadka walaalahooda abaaraha ay saameeyeen.

Madaxweyne Shariif ayaa u jeediyay beesha caalamka in kaalmo deg deg ah oo wax looga qabto abaaraha la soo gaaraan Soomaaliya.