Sheekh shariif oo Madaxweynaha Hirshabeelle kala hadlay Arimaha Doorashooyinka.

Sheekh shariif iyo Guudlaawe
Sheekh shariif iyo Guudlaawe

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen , ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed. Kulanka ayaa looga hadlay dardargalinta doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay isla go’aamiyeen isaga iyo Madaxweyne Guudlaawe, sida ay lagama maarmaanka u tahay in lasoo gaba-gabeeyo doorashada Xildhibaanada Golaha shacabka kahor dhamaadka bisha soo socota ee December.

“Waxaan isla qirnay muhiimada ay leedahay dedejinta iyo daah furnaanta doorashada iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in  ugu dambeyn la soo gabogabeeyo doorashada Xildhibaanada ka hor dhammaadka bisha December ee soo socota.”

Kulanka ayaa sidookale waxaa goob joog ka ahaa Xoghaya guud ee Xisbiga Himilo Qaran ahna Wasiiru dowlaha Cadaalladda Soomaaliya Mudane Yuusuf Xuseen Axmed (Gamadiid) iyo Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Shariif ayaa muddooyiinkii dambe waxaa uu Muqdisho ka waday dardar gelinta doorashooyinka iyo kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanaayey musharaxiina mucaaradka iyo madaxda dowladda.