Sheekh Shariif oo sheegay in Soomaaliya laga badbaadiyay dagaalo sokeeye

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmad oo xalay kulan casho ah ugu sameeyay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii doorasho.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa soo dhaweeyay heshiiska loo dhan yahay ee doorasho  waxaana uu u mahad celiyay Madaxda dowlad goboleedyada doorkii ay ka qaateen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka.

“ Waxaan u mahad celinayaan cid kasta oo ka hortagtay in dalka uu galo dagaal sokeeye, sida Ciidamada Qalabka sida, Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaan soo marnay marxalad culeyskeeda leh laakin aan u mahad celinayaan dadkii ka hortegay ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Sheekh Shariif ayaa  hadalkiisa uu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen inay yihiin kuwo u bisil dowladnimada una diyaarsan doorasho loo dhan yahay oo ka dhacda dalka oo dhan.

Waxaa dhanka kale Shiikh Shariif uu sii xoojiyay in arrimaha doorashooyinka dalka la dardar geliyo islamarkana xoogga la saaro in doorashada ay noqoto mid hufan.

Hadal uu dhawaan ka jeediyay Sheekha munaasabadii saxiixa heshiiskii doorashooyinka ayaa waxa uu ka sheegay in waxa la isku hayo ay tahay siyaasad balse aan qabiil iyo qof cidna loo nicin.

Waxaa jira tuhun ah in doorashada qaar ee madaxda maamul Goboleedyada iney noqon doonto mid aan la isku haleyn karin maadama wali Villa Soomaaliya a xiriir toos ah la leeyihiin.