Sheekh Shariif oo si cad u diiday qorshe uu usoo gudbiyey Xasan Sheekh

MUQDISHO AYAAMAHA Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan albaabada u xiran waxaa uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo warar kala duwan ka soo baxaya waxyaabahii uu ku saabsanaa kulankooda.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ku saabsanaa in la qabto shir dhawaan la filaayo inuu dhaxmaro Midowga musharaxiinta iyo Xasan Sheekh, taas oo looga hadli doona wax ka bedel dastuurka iyo doorasho qof iyo cod oo Golaha Wadatashiga Qaran dhowaan isku afgarteen.

Sidookale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shariif ka codsaday in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo lagu soo daro shirka u dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta Midowga Musharaxiinta balse Sheekh Shariif ayaa iska diiday qodobkaan ee in Farmaajo lagu soo daro shirka, damaanadna uu ka noqon karin in Farmaajo shirka la keeno.

Siyaasiyiinta Midowga Musharaxiinta ayaa horey u diiday wax ka bedelka dastuurka iyo doorasho qof iyo cod, iyagoo sheegay in shacabka aan weli u diyaarsaneyn doorasho qof iyo cod, halka amniga dalkana aan weliga lagu kalsoonaan karin. Haseyeeshee madaxweyne hore farmaajo ayaa soo dhaweeyey wax ka bedelka dastuurka iyo doorasho qof iyo cod, taas oo isaga rabay markii xilka haayey balse laga diiday.