Sheekh Shariif oo war kasoo saaray hadalkii General Odawaa ee ciidamada xoogga dalka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa boggaadiyay hadalkii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen Yuusuf Odawaa Raagge ee ahaa in Ciidamada aanay ku milmin arrimaha siyaasadda ayna diiradda saaraan la dagaalanka Argagixisada.

Qoraal kooban oo uu bogiisa soo dhigey Shariif Sheekh Axmed ayuu ku bogaadiyay mowqifka taliyaha ciidamada xoogga dalka;

“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo kulan ay yeesheen saraakiisha ciidamada kadib la hadlay warbaahinta ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, isla markaana u sheegay in aysan cid gaar ah u hiilin karin.

Taliyaha ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in ciidanka dowladda ay xoojiyaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda gobolada dalka, isagoona boggaadiyey ciidanka Qalabka Sida.