Sheekh Somaliland kasoo cararay oo ku biiray Al-Shabaab.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddo isbuucyo ah oo la weysanaa raq iyo ruux halka uu ku dambeeyey Shekeh Aadan Sunne ayaa maanta uu si cad ushaaciyey inuu Al Shabaab ku biiray kana cararay Soomaaliland deeganadeeda.

Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday.

Sheekh Aadan Sunne ayaa wareysi uu siiyey laanta afka soomaaliga BBC ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay wajaheen kadib uu qoyskiisa iyo isaga ay ukicitimeen deegaanada Al Shabaab ka ariminayaan ee koonfurta Soomaaliya.

Ilo sirdoon oo la helay ayaa sheegaya in deegaano hoostaga Jubbada dhexe oo Al Shabaab ka arimiyaan in sheekha iyo qoyskiisaba kusugan yihiin oo lagu soo dhaweeyey.

Warar soo baxay oo la helay ayaa la weydiiyey su’aal aheyd in Amiirka cusub ee Al Shabaab laga dhigayo Sheekh Aadan sunne balse taasi waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Sheekh Aadan Sunne ayaa soomaaliland ku eedeeyey in ay la dagaalanto ku dhaqanka shareecada islaamka isagoo xitaa sheegay in diimo kirishtaameyn ah laga faafiyo deegaanada maamulkaasi ka taliyo.