Shidaal qodista Soomaaliya oo la billaabay iyo Dad si qaarsi ah loo siiyey qandaraaska

Xog gaar ah oo la helay ayaa waxay sheegeysaa in si tartiib ah loo billaabay qodista shidaalka Soomaaliya,iyadoo shirkado gaar ah lasiiyey Qandaraaska,xilli hore loo diiday heshiis lala galay shirkado gaar ah.

Dawladii hore Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lagu eedeeyey in shirkad mareykan ah la gashay heshiis shidaal qodista Soomaaliya,xilligaas oo Wasiir C/rashiid uu soo bandhigay balse Farmaajo ayaa iska bari yeelay inuu wax ka og yahay shidaal qodistaasi.

Hadalkaas uu shaaca ka qaaday Awgeed Wasiir C/rashiid Shiikhaaloow oo ahaa Wasiirka Batroolka Soomaaliya ayaa shaqada laga joojiyey sanadkaan bilowgiisii markii RW Rooble oo xukuumada markaas hogaaminayey uu qoonsaday arinta uu ku kacay.

Hadda waxaa soo baxday in la bilaabay qodista Shidaalka Soomaaliya iyadoo shirkadaha laga qaadayo Canshuur lagu heshiiyey barmiilkii intay noqoneyso.

Engineer C/qaadir Aadan oo ah Agaasimaha Wakaalada batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in faa’iido badan laga heli doono shidaal qodistaan la bilaabayo waxaana ka horeeyey shirkadaha la siiyey qandaraaska Heshiisyo adag oo lala galay.

Aagga Hobyo oo Galmudug Ah,Qoryooleey oo KGS ah iyo Jubbaland Deegaano katirsan ayaana laga helay ceelal shidaal marka la eego Bariga iyadoo Badda weli aan la sahmin shidaalka ku jira..

Tallaabadaan ayaana la ogeyn waxa ay ka og tahay Dawlada Soomaaliya Ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hogaamiyo waxaana warar Warqaad heshay sheegayaan in Turkiga uu helay Shirkado uu leeyahay inay Shidaal qodistaasi sameeyaan..