Shiinaha ma u sahlan tahay inuu weerarro Taiwan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xiisadda ka dhex taagan Shiinaha iyo Taiwan ayaa mar kale meel adag gaartay, xilli xukuumadda Taipei ay ka walaacsan tahay daandaansiga uga imanaya dhanka Beijing.

Hogaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa sheegay inay qasab tahay in dalkiisa uu dhamaystiro yoolka midnimada iyo soo celinta Taiwan.

Wuxuu tilmaamay in yoolkaas ay doonayaan inay ku gaaraan si nabad ah, balse shacabka Shiinaha ay can ku yihiin diidmada “kala qeybinta”.

Taiwan oo ka jawaabaysa hadalkaas ayaa sheegtay in mustaqbalka jasiiraddaas uu gacanta ugu jiro shacabkeeda.

Madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen, ayaa ku nuux nuuxsatay inay sii xoojin doonaan ciidamada dalkeeda, si aanay loogu digan jasiiraddaas.

“Waxaan sii xoojin doonnaa amnigeena, si aanay u jirin cid nagu qasbi karta waxa ay doonayaan,” ayay sheegtay Tsai Ing-wen

“Sababta aan tallaabadaas u qaadanay ayaa ah in qorshaha Shiinaha aanu ahayn mid madax bannaani ama dimuqraadiyad toona u wada shacabka 23-ka milyan ah ee Taiwan,” ayay hadalkeeda raacisay.

Taiwan ayaa isu aragta dal ka madax bannaan Shiinaha, halka xukuumadda Beijing ay ku doodayso inay tahay gobol ka tirsan dalkeeda. Waxa ay ku kala go’een dagaalkii sokeeye ee Shiinaha ka dhacay 1940.

Khubarada ka faalloota ammaanka ayaa sheegaya in xiisadda u dhexaysa Shiinaha iyo Taiwan ay ka sii dari karto bilaha iyo sanadaha soo socda, ayna horseedi karto dagaal dhexmara labada dhinac.

Qaar kale ayaa tilmaamaya in labada dhinacba aanay ku degdegin doonin dagaal toos ah, sababo dhaqaale iyo siyaasadeed awgood.

Wargeyska the Bloomberg ayaa faallo uu ka qoray xiisadda ku sheegay in Shiinaha uu ka baaqsan karo dagaal toos ah, taa bedalkeedana uu hab dibloomaasi, dhaqaale iyo go’doomin isugu jirta u uku muquunin karo Taiwan.