Shiinaha oo digniin u diray Madaxda dalalka G7

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shiinaha ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha dalalka dhaqaalahoodu horumaray ee G7 in aanan la joogin xilliggii kooxo yar ay maamuli lahaayeen dunida isla markaana tallaabadaas ay tahay mid laga soo tegay.

“Maalmihii ay kooxo yar dunida u meerin lahaayeen go’aannada caalamka waa laga soo tagey” ayuu yiri afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee London.

Wuxuu intaas ku daray in go’aanada saameynaya dunida ay tahay in lagala tashado dalalka caalamka.

“Waxaan mar kasta rumeysanahay in dalalka adduunka ha yaraadaan ama ha weynaadaan, sabool ama qani dhammaantood wey siman yihiin, waa in go’aanada adduunka ay ka wadatashadaan dhammaan dalalka”

Hadalka afhayeenka safaaradda Shiinaha ee London ayaa imaanaya xilli madaxdii G7 ee ku shireysay Ingiriiska ay soo jeediyeen in mowqif mideysan laga qaato saameynta Shiinaha ee sii kordheyso.