Shiinaha oo si aan gabasho laheyn u shaaciyey inuu ciidamo u dirayo Ruushka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ay ciidamo u dirayso Ruushka si ay uga qayb qaataan dhoolatus milatari oo wadajir ah.

Dhoolatuskan oo billaaban doona dhammaadka bisha Ogosto, wuxuu socon doonaa muddo saddex toddobaad ah, waxayna astaan ​​u tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo Moscow ay wajaheyso cunaqabateyn caalami ah oo ku saabsan duulaanka ay ku qaadday Ukraine.

Hindiya, Belarus, Mongolia iyo Tajikistan ayaa ka mid ah tiro dalal kale oo iyaguna loo qorsheeyay inay ka qayb qaataan dhoola-tuska.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda difaaca Shiinaha ayaa lagu sheegay in dhoolatusku uu xoojinayo awoodda wadajirka ah ee dalalkaasi ay uga jawaabayaan waxa ay ugu yeertay “khataraha kala duwan ee dhanka ammaanka ah”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in Washington aysan “waxba ka akhriyin” waxa ay ku sheegtay dhoolatuska milatari ee caadiga ah.

Mar sii horreysay Ruushku ayaa Shiinaha waxa waydiistay  kaalmo milatari iyo mid dhaqaale labadaba, sida ay sheegayaan warbixinnada Financial Times iyo wargeyska New York Times.

Moscow waxay doonaysaa in Beijing ay siiso sahay militari si loogu isticmaalo Ukraine, sida uu qoray wargeyska Financial Times .

Isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, ayuu wargeysku sheegay in Ruushku uu codsanayay qalabka Shiinaha tan iyo markii uu billowday duullaanka Ukraine.

Saraakiisha ayaa markaasi ka gaabsaday inay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dalbaday.

Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times – oo mar kale soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah – ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

BBC