Shiinaha waxaa lagu arkay qof qaba cudur dhif ah oo lagu magacaabo H10N3

MUQDISHO-AYAAMAHA-Nin 41 sano jir ah oo u dhashay Shiinaha ayaa la xaqiijiyay in uu noqday qofkii ugu horreeyay caalamka ee uu ku dhaco caabuq naadir ku ah oo ku dhaca shimbiraha.

Saraakiisha dowladda waxay xaqiijiyeen arrinta balse ma aysan bixinin faafaahin dheeraad ah oo la xiriirta sida uu ninka ku qaaday cudurka. H10N3 ma ahan xanuun si fudud ku faafa oo dadka ay isu gudbin karaan.

Ninka oo ku nool gobolka Jiangsu, kaas oo xanuunka uu ku dhacay isbuucii la soo dhaafay, hadda wuu ka caafimaaday, waxaana loo diray gurigiisa.

Waxaa dunida ka jira cudurro badan oo hergeb ah oo ku dhaca shimbiraha, mana ahan arrin cusub in xanuunadaas ay dadka u soo gudbaan, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya goobaha lagu xanaaneeyo shimbiraha iyo digaagta.

“Weli dunida lagama soo sheegin qof uu ku dhacay xanuunkan H10N3, waana markii ugu horreysay. Kiiskan waa mid cusub oo digaag iyo dad ay isu gudbiyeen, mana jirto halis ah in uu aad u faafo,” sida uu qoray wargeyska Global Times oo soo xigtay NHC.

Guddiga wuxuu sidoo kale sheegay in H10N3 uu yahay cudur fudud, taas oo micneheedu yahay in uusan aad ugu badnayn digaagta iyo in ay aad u yartahay in uu ku dhex faafo dadka.