Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Puntland

BOOSAASO-AYAAMAHA- Shil khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaystay ayaa goordhaweyd ka dhacay inta u dhaxaysa dalwayn iyo Juriile oo ka tirsan degaanada Maamulka Puntland.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Shilku uu yahay mid khasaaro badan dhaliyay, waxaana lagu soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen in ka badan Seddex ruux oo shacab ah.

Seddexda qof ee dumarka ah ee geeriyooday ayaa lagu soo warramayaa in labo ka mid ah ay la socdeen Gaari ka yimid Boosaaso, halka Haweenayda kale ee shilka ku dhimatay ay ka mid ahayd Rakaab saarnaa Gaari Nooho ah oo ka yimid Magaalada Dhahar.

Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen labo gaari oo ay la socdeen dad rakaab ah, waxaana la xaqiijiyay in Seddex qof oo dumar ah ay ku dhinteen.