Shimbir laga soo badbaadiyay Afqaanistan lagu hayo Magaalada Abu Dhabi.

Shimbir laga soo masaafuriyey Afgaanistaan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shimbir ka mid ah kuwa guryaha lagu xanaaneysto ay leedahay gabadh reer Afghanistan ah oo ka mid ahayd dadkii laga soo daad gureeyay magaalada Kaabul, kaddib markii ay Taliban la wareegtay dalkaasi, ayaa hoy cusub looga sameeyay hoyga safiirka Faransiiska ee magaalada Abu Dhabi.

Xavier Chatel ayaa la wareegay shimbirtaas lagu magacaabo Juji, kaddib markii gabadha laga hor istaagay inay saarto diyaarad ka amba baxeysay Imaaraadka Carabta, kuna sii jeedday dalka Faransiiska.

Shimbirta waxay ku noolaaneysaa hoyga safiirka. Si taa loo suurageliyana, dhowr maalmood ayaa la tababarayay, waxaana la baray sida loogu dhawaaqo ereyga “bonjour” oo ah salaanta Faransiiska.

Chatel waxaa uu balan qaaday inuu isku deyi doono in maalin maalmaha ka mid ah uu gabadha dib ula mideeyn doono shimbirteeda Juji.

In ka badan 120,000 oo qof ayaa diyaarad looga soo daad gureeyay dalka Afghanistan intii u dhaxeysay 14-kii bisha August, oo ahayd maalin kahor markii ay kooxda Taliban la wareegtay magaalada Kaabul iyo 30-kii isla bishaas, oo ahayd markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi.

Ilaa 2,600 oo reer Afghanistaan oo halis ku jiray ayaa raacay diyaaradihii dadka lagu daad gureynayay ee Faransiiska uu leeyahay.

“Gabadh uu daal ka muuqdo oo wadata shimbir oo ah hanti dhif ah ayaa timid garoonka diyaaradaha Al-Dhafra ee magaalada Abu Dhabi. Waxay aad ugu dedaashay inay shimbirteeda ugu dambeyn keento garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabul, si ay ula safarto,” ayuu yiri Chatel oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Shimbirta looma ogolaanin diyaaradda sababo caafimaad aawadood”, ayuu hadalka ku sii daray.

“Gabadha way ooysay, waanna ka damqaday. Waxaan balan qaaday in aan shimbirta ku xanaaneeyo hoygeyga. Wakhti walba way u imaan kartaa oo way wadan kareysaa.”

Xavier Chatel, Safiirka Faransiiska ee Imaaraatka, wuxuu shimbirta u soo iibiyay hoy shabaq ah oo u gaar ah, si loogu xanaaneeyo, wuu quudiyay, wuxuuna dibedda u soo saari jiray subax walba, si ay u dhexgasho shimbiraha kale. Juji waxaa la baray luuqad “aan aysan horey u sii aqoonin”.

Shimbiraha noocan ah ayaa lagu yaqaanaa inay leeyihiin hibo gaar ah, taas oo ah inay u hadli karaan sida aadanaha, wuxuu isku deyay inuu baro qaar ka mid ah ereyada Faransiiska, isagoo ka billaabay ereyga bonjour (hello).

“Balse arrinta jirta ayaa ah in Juji aysan jeclayn ragga. Si caro leh ayuu ii eegaa halka uu u dhoola cadeeyo haweenka,” ayuu ku yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Chatel.

Shimbir laga soo masaafuriyey Afgaanistaan