Shir aan caadi aheyn oo xalay yeesheen Golaha wasiirada Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa caawa waxaa isugu yimid dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda DanQaran.

Shirkan degdegga ah ee caawa oo ahaa kii ugu horreeyay ee xukuumadda cusub, ayaa waxa lagu go’aamiyay dhawr qodob oo kala ah:

  1. Dib u hawlgelinta Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka
  2. Waxaa la magacaabay Guddi Qaran oo ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Culimada, Ganacasatada iyo Ururada Bulshada Rayidka.
  3. Waxaan dhammaan guddiyadan iyo hey’adda la siiyay waajibaad iyo awaamiir cad iyo in guud ahaan hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan ahayn u jiheysmaan sidii loogu gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyaan.
  4. Waxaa Ra’iisul Wasaaruhu baaq u diray qof walba oo Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo inuu ka qaybqaato gurmadkan degdegga ah.
  5. Waxaa sidoo kale loogu baaqay hey’adaha caalamiga inay si dhow ula shaqeeyaan xafiisyada dowladda ee ku hawlan arrimahan degdegga ah.

Guddiga Heer Qaran ee uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha XJFS waxay ka kooban yihiin:

  1. Ra’iisul Wasaar Ku-Xigeenka
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta
  3. Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
  4. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada
  5. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha
  6. Wasiirka Maaliyadda
  7. Wasiirka Bii’ada iyo Isbadalka Cimilada
  8. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
  9. Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka
  10. Wasiirka Amniga Gudaha
  11. Wasiirka Gaashaandhigga
  12. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
  13. Ergayga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha
  14. Culimada Soomaaliyeed
  15. Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha
  16. Ururada bulshada Rayidka