Shir looga hadlaayey Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub oo lasoo gabagabeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Caasimada Maalinta Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis taasi oo dhici doonto Caleema Saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan oo kulanka faah faahinayay ayaa sheegay in Bulshada Caasimada laga codsaday in dulqaad iyo adkeesi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, taasi oo Caasimada ay ka dhici doonto xaflad aad muhiim ugu ah Dowladnimada, isla markaana ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh. Isla markaana ay dhici karto culeesyo dhanka Amni in laga dareemo Caasimada.