Shir looga hadlayay amniga Garoonka Aadan Cadde oo Muqdisho lagu qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax  ayaa Muqdisho shir kula yeeshay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Agaasimaha Guud, Maareeyaha Hay’add Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aden Cabdulle, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Saraakiil kale.

Shirkaan oo uu shir guddoon ka ahaa Wasiiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Duraan Axmed, waxaa looga arrinsanayay Amniga Garoonka Aaden Cabdulle ee Muqdisho.

Wasiirka iyo dhinacyadii kasoo qeyb galay shirka waxay ku lafa gureen Amniga Garoonka iyo sidii loo xaqiijin lahaa, iyadoo ay ku heshiiyeen in lis ka kaashado amniga guud ee garoonka Aaden Cadde, maadama falal amni daro ay ka dhacayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Sidoo kale, Wasiir Duraan Axmed Faarax ayaa Hay’adaha amniga ka dhagaystay warbixinta Amniga ee Garoonka gaar ahaan mid la xariirta dhacdadii lagu weeraray qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo xogo Hay’adaha Amiga soo aruursheen.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa faray Hay’adaha amniga in la xoojiyo sugida amniga garoonka iyo xayndaabkiisa, maadama la galay bisha Ramadaan islamarkaana la filan karo weeraro kale, isagoo intaas kadib ugu mahadceliyay dhinacyada  sida shaqada ay u socoto.

Shirkaan ayaa imaanaya, kadib dhacdadii 23 March 2022 ee lagu weeraray garoonka diyaar ee Muqdisho gaar ahaan aag laga galo Xerada Xalane, kaas oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.