Shir looga hadlayay xakamaynta hubka iyo rasaasta oo lagu qabtay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir looga hadlayey maamulka iyo xakamaynta hubka iyo rasaasta, shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda FS, Hay’adaha Qaabbilsan Amniga Dalka, Masuuliyiin ka socday Madaxtooyada Qaranka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, wakiillo ka socday Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyo Xubno ka socday saaxiibbada beesha caalamka ee Soomaaliya ka taageera arrimaha amniga.

Shirkan oo soconaya labo maalmood ayaa waxaa lagu lafo gurayaa daadejinta iyo dardar gelinta hirgelinta qorshaha Qaran ee Maamulka Hubka iyo Rasaasta, tirakoobka, diiwaan gelinta, calaamadinta/suntidda iyo xakamaynta hubta yaalla dalka, taas oo qayb ka ah qorsheyaasha ay Soomaaliya ku xaqiijinayso in looga qaado cuna qabataynta hubka ee saaran dalka.

Agaasimaha Xafiiska Amniga Qaranka ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Safiya Xasan Maxamed, ayaa ka war bixisay ujeeddada shirka iyo guulihii laga gaaray habraacyada Maamulka Hubta iyo Rasaasta, iyadoo la raacayo wareegtadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu soo saaray sannadkii 2018-kii.

Dhanka kale Wasiirradda, Gaashandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Caddaaladda Mudane Xasan Xuseen xaaji iyo Wasiir Ku-xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Cali Qalloocow, oo hadal ka jeediyey Shirka ayaa soo bandhigay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay Xakamaynta Hubka iyo Raasaasta, iyada oo dadaal badan lagu bixiyey arrintaas, sidoo kale waxa ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in laga qaado cunaqabaynta hubka.