Shir muhiim ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada dawladda soomaliya ayaa maanta magaalada muqdisho kusoo gaba gabaysay kulan balaalan oo looga doodayey sidii xal loogu heli lahaa maaraynta qashinka ‘adka ah’ iyado ay ka qayb qgaleen Masuuliyiin ka socday maamul goboleedyada dalka gobolka banaadir khuburo ku xeeldheer cilmiga deegaanka.

Shirkan ayaa waxaa si toos qadka ugu qeyb qaadanaayey khubaro ajaanib ah oo wax ka bixinaayey tababarka, waxaana qorshuhuu yahay sidii isbedel muuqda loogu sameyn lahaa qorashinka adka ah ee meel walba daadsan sidii xal loogu heli lahaa loona xakameyn lahaa.

Dhinacyada labadii maalmood ee lasoo dhaafay kulanku u socday ayaa isku raacay sidii loo gaadhsiin lahaa shacabka soomaliyeed qorshaha kasoo baxay shirka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka iyo isbadalka cimilada dawladda soomaliya ayaa soo xiray shirka, wuxuu ahaa shir muhiim u ah bulshada inteeda kale, sababtoo ah qoshanka ayaa dhibaato farabadan ku haaya deegaanka  Soomaalida dagto.