Shir Sanadeedka Garsoorka Somalia Oo Ka Socda Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka sannadlaha ah ee Garsoorka dalka oo ay ka qeyb galayaan hay’adaha cadaaladda heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka, Sheekh Saalax Ibraahim Dhiblwaale oo ah garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare ayaa sheegay in shirkaan diirada lagu saari doono qodobo ay ka mid yihiin xal u helida Musuq maasuqa, Fulinta xukunada, Been abuurka iyo qodobo kale oo muhiim u ah arimaha Garsoorka.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ah  Hay’adaha Garsoorka Masuuliyiinta qeybta ka ah oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Guddoomiyaha maxkamadda sare,Guddiga Cadaaaladda iyo Garsoorka ee Baarlamaanka,  Maxkamadaha gobolka Banaadir, Xafriiska Garyaqaanka, iyo Xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Labada Maalin ee shir sannadeedka Garsoorka dalka socon doono waxa khudbado ka jeedin doona Madaxda ka qeyb galeysa.