Shir Sanadeedka Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo Maanta ka furmay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar xubno ka tirsan xeer ilaalinta dowlad goboleedyada iyo masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya shirka.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa jira doona inta uu socdo doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono, isla markaana khudbado ay ka jeedin doonaa Madasha Madaxda ka qeyb shirkaas Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Wasiirka Cadaaladda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Xeer Ilaalinta, madax  ka socota maamul goboleedyada, Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeybgalaya.

Geba-gabada shirka ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii madaxda ay uga hadleen Shirka.