Shir xasaasi ah oo ka dhacay Villa Soomaaliya iyo Taliyaha cusub ee NISA oo loo magacaabayo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay shir la yeeshay xubno uu kamid yahay Fahad Yaasiin, waxaana la sheegay in ay ka shirayaan qofkii ay ka dhigi lahaayeen Agaasimaha NISA maadaama uu Xildhibaan noqday Yaasiin Fareey oo ahaa agaasimaha KMG ah ee hay’adaas islamarkaana dhowaan la dhaarin doono Baarlamaanka cusub.

Kulanka ayaa la sheegay in ay qayb ka yihiin Cabdullaahi Kulane, Yaasiin Fareey iyo Craxmaan Dheere. Xubnahaan ayaa ah shaqsiyaad ugu dhow ee Madaxweyne Farmaajo waxayna ka soo hareen dhamaan saaxiibadii Madaxweynaha ee la soo shaqeeyay 5-tii sano ee la soo dhaafay.

RW Rooble iyo Farmaajo ayaa hore ugu heshiiyay in taliska NISA si kumeel gaar ah loogu dhiibo Yaasiin Fareey oo markii dambe Xildhibaan noqday iyo in laga heshiiyo taliyaha cusub ee imaan doono waxaana la sheegayaa in uusan qayb ka aheyn kulamada wadatashiga ee arrintaan la xariira.

Xogihii ugu dambeeyay ee kulanka laga helay ayaa sheegya in diiradda lagu saaray sidii Cabdiraxmaan Dheere loogu magacaabi lahaa Taliyaha NISA kaa oo waayay kursi xildhibaanimo.

Lama oga in Rooble iyo Farmaajo ay markale khilaaf ka abuuri karaan arrintaan maadaamaa horrey loogu heshiiyey in labada Masuul ay kawada hadlaan magacaabida taliyaha.