Shir xasaasi ah oo ka socda Garoonka Garbahaareey iyo Ciidamo badan oo lagu daadiyey Garoonka.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya Degmada Garbahaarey gaar ahaan Xerada Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leegihiin Garoonka diyaaradaha degmadaas ayaa waxaa shir ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada AMISOM,  kuwa dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in saraakiisha Ciidamada AMISOM ay isku dayeen inay geeyaan degmada Garbahaareey wafdiga Guddiga Qiimeynta xaalada degaan doorasho ee Jubbaland ee loo diiday inay garoonka ka  dagaan, balse arrintaasi ay guuldareysatay.

Sidookale Degmada Garbahaareey ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu ka dhaco dibadbax looga soo horjeedo Guddiga Qiimeynta kaas oo ay dhigayaan shacabka iyo Maamulka degmada, waxaana siweyn Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey lagu arkayaa Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Masuuliyiinta Degmada Garbahaaray ayaa aad uga soo horjeeystay in guddiga qiimeynta doorashada Garbahaarey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ay tagaan Degmadaas, waxaase aan la ogeyn meesha uu ku dambeyn doono khilaafkaan oo salka ku haaya is qabqasiga dhanka doorashada ee Farmaajo iyo Rooble.