Shirka Doorashooyinka Soomaaliya Oo Maanta La Filayo In Lasoo Xiro.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda Soomaalida ayaa la filayaa in maanta ay si rasmi ah u soo saaraan  warmurtyeed, kaasi oo qeexaya heshiiska ay ka gaareen doorashooyinka Soomaaliya.

Maanta Khamiista ayaa lagu wadaa in heshiiska doorashada  lagu saxiixo xerada Afisyooni kadib wada hadal muddo todobaad ah u socdday R/Wasaaraha Soomaaliya, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doono Ra’isul wasaararaha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha Banaadir, halka sidoo kale lagu casuumay madaxweyneyaashii hore ee dalka   Shiikh Shariif, Xasan Shiikh iyo madaxweyne  Farmaajo, iyadoona la filayo in madaxda khudbado ka jeediyaan munaasabada.