Shirka Golaha Wadatashiga Ee Ka Socda Magaalada Muqdisho Oo Maalintii 3-Aad Galaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maanta Maalintii Saddexaad galaya shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa looga hadlayay caqabadaha heysta doorashooyinka iyo sida looga gudbi karo, waxaana shalay shirka ku biiray oo ka qeyb galay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka iyo Midowga Musharrixiinta.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta sii amba qaadi doona doodo kala duwan oo ay ka yeelanayaan ajendayaasha horyaalla Shirkooda oo ay ugu weyn yihiin Arrimaha amniga dalka iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka

Maanta oo Arbaco ah ayay Golaha wadatashiga Qaran sii amba qaadayaan shirkooda, waxaana looga hadlayaa ajandayaasha kala ah.

1:- Hirgalinta heshiisyada doorashada, jadwalka,
caqabadaha iyo cabashooyinka hufnaanta.

2:- Falanqeyn iyo wadatashi talooyinka iyo
fulinta heshiisyada iyo habraacyada.

3:- Go’aan qaadasho arrimaha kala duwan ee
shirka horyaal iyadoo la tixgalinayo talooyinkii iyo macluumaadkii maalintii koowaad ee Shirka.

4:- Soo bandhigga Qorshaha Goedi-socodka
koowad ee shirka; Dowladnimda Xilliga Kala-guurka
Ugu dambeyn Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo, isla markaana laga soo saaro Wamurtiyeedka ku saabsan  Qorshaha Geedi-socodka Dhismaha Dowladnimda Xilliga Kala-guurka ee la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Shirka Golaha Wadatashiga ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa uu yahay mid isha ay ku wada haayaan Bulshada SOomaaliyeed iyo Beesha Caalamka, iyada oo siweyn loo sugayo natiijada kasoo bixi doonta Shirkaas, xili uu dalka ku jiro xaalada Cakiran oo siyaasadeed.