Shirka Golaha wadatashiga oo maalintii labaad galaya iyo qodobada ugu adag ee maanta horyaala

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad kulan kuleh Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda 5-ta Dowlad Goboleed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa diirada lagu saarayaa amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta la filayaa in dood adag ka yeeshaan caqabadaha heysta doorashooyinka dalka, sida looga gudbi karo iyo waqtiga rasmiga ah ee la soo geba-gabeen karo doorashada Golaha Shacabka.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Indhaha Caalamka ayaa kusii jeeda Shirka Golaha wadatashiga  Qaran, kaas oo lagu jaangoyn doono howlaha doorashooyinka si looga gudbo xiisada siyaasadeed ee kajirto Soomaaliya.