Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Heshiis Laga Gaaray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka Wadatashiga oo sabtida todobaadkaan ka furmay Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horumarro laga sameeyay qodobbadii laga wadahadlayay ee khuseeyay doorashooyinka dalka.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka, waxaana uu tilmaamay in Shirka lagu wado in lasoo xiro maalinta khamiista ee soo socota.

“Ra’iisul Wasaaraha oo had iyo jeer xudun u ahaa wadahadaladana waxaa uu ahaa qofka habeen iyo maalin ka shaqaynayey in shirku uu guuleysto” ayuu yiri Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Waxaa uu sheegay in madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka, isagoona xusay in heer gabogabo ah marayaan dhameystirka qodobada ka soo bixi doona heshiiska la filaayo shirka laga gaaro.

Dhammaan qodobada ayaa lagu heshiiyey, kuraasta Gobalada Waqooyi oo ahaa kuwa dood ka jirtay ayaa is Afgarad laga gaaray, Labada garabna ay wararku xaqiijinayaan in ay kuqanceen talaabadii shalay ee RW Rooble iyo Cabdi Xaashi kuheshiiyeen (Sidii aan xalay xogta idinku sheegnay).

48Saac gudahood ayaa ladiyaarinayaa Munaasabada Saxiixa Hanaanka doorashooyinka Soomaaliya, kuna saleysan Heshiiskii 17-kii September iyo 16-kii Feb.