MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta oo sabti ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu wadaa inuu shir gudoomiyo Shirka golaha wadatashiga qaran oo ay ka qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Shirkaan ayaa diirada lagu saari doonnaa wada shaqeynta maamuladda iyo dowladda dhexe iyo in ay ka wada hadlaan qorshayaasha hortabinta u leh dowladda Cusub ee Soomaaliya ee dhawaan dalka ka dhalatay.
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hadda gaaray xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkan oo uu kaga qeybgalayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee saaka u furmaya Madaxda DFS ah, Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.