Shirka Golaha wadatashiga Qaran oo soo idlaaday iyo kulanka berri oo Midowga Musharaxiinta ka qeyb gali doonaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goor dhoweyd soo gabagaboobay kulanka maalintii shanaad uga socday Muqdisho xubnaha Golaha WadatashigaQaran ee ku saabsanaa Doorashooyinka.

Shirka ayaan saaka looga hadlin qodobkii la iskumari waayey ee Amniga, waxayna xubnaha Golaha ka doodeen cabashooyinkii la xiriiray hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada iyo tallooyinkii ay u gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxiibada Soomaaliya.

Waxaa sii soconaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaan hadda uun soo dhammaaday shirkii maanta, iyadoo la guda galay la-tashiyadii ugu danbeeyay, Waxaana kulanka Berri loogu yeeray Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa lagu wadaa in xubnaha Golaha ay Midowga Musharixiinta kala doodan qodobadda ay soo jeediyeen iyo sida xalka loogu heli karo cabashadooda ku saabsan sixitaanka Doorashada Golaha shacabka.