Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay shirweynaha looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2021-ka ee u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo sidoo kale gobolka Banaadir

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

4 ka mid ah maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.

Mamaulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.