Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo maant laga doodayo qodob cusub 

Saaka oo Sabti ah waxa Madaxda Gollaha Wadatashiga Qaran ay sii wadaan kulankoodii ay diiradda ku saaranayeen arimaha doorashooyinka.

Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan madaxda maamul goboleedyadda iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.