Shirka Gollaha Wasiirada Federaalka iyo kuwa Jubbaland oo ka dhacay Kismaayo

KISMAAYO-AYAAMAHA-Manta oo Khamiis ah waxaa kulan wadajir ah ku yeeshay Gollaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland kaas oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa kala qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Labadiisa Madaxweyne Ku Xigeen.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlay sidii boorka looga jafi lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa DFS iyo Dowladda Jubbaland ,arimaha doorashooyinka iyo dib u hishiinta, arimaha baniiaadmnimada , dardargalinta mashaariicda horimarineed ee laga hirgalinayo Jubbaland iyo xoojinta la dagaalanka argagaxisda .

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxa uu faray in Wasiirada Wasaaraduha heer federal ay si gaar gaar ah u kulmaan oo ay isla soo qorsheeyaan mashaariicda ay tahay in si deg deg ah loo hirgaliyo.

Waxaa Ra’isul Wasaare Rooble uu ballan qaaday in Xukuumaddiisa waqtiga yar ee u harsan uu xoogga saari doono sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ,isaga oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaarneyd ee loo sameeyay.