Shirka isbaxaysiga ‘Turkiga, Ruusha iyo Iiraan’ oo laga filayo inuu goordhow furmo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gaadhay Dalka Iran halkaas oo la filayo inuu maanta ka furmo Shir u dhaxeeya Dalalka Ruushka, Turkiga iyo Iraan.

Shirka Dalalkan xulufada ah ayaa kusoo aadaya xili Madaxweynaha Mareykanku isna uu safar ku marmaray Bariga dhexe lana kulmay Madaxda Carabta oo ku kala qaybsamay in Dagaal lagu qaado Iraan.

Sadexdan Dal oo kamid ah Dalalka loolanka adag kala dhaxeeyo Reer Galbeedka ayaa shirkooda la filayaa in diirada ku saaraan xiisadaha ka cusub Caalamka iyo Gobalka oo ay ugu horayso xiisada Dagaalka Ukraine, Shidaalka, Cuna-yarida Caalamka iyo isxulufaysiga ay wadaan reer Galbeedka oo doonaya inuu uruursadan ilaa Carabta.

Bishii June, Putin wuxuu booqasho ku tegay dalalka Tajikistan iyo Turkmenistan- waa dal horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet, waxaana labadan waddan ka ka taliyaa hoggaamiyeyaal kaligood talis ah, saaxib dhaw ayay la leeyiihiin Ruushka.