Shirka looga hadlaya Miisaaniyadda Dowladda Federaalka  Ee 2022 oo Muqdisho ka socda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta daah-furay Shirka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Miisaaniyadda Qaranka loo qoondeeyay sanadka soo socda ay ka wanaagsan tahay sanadkii hore, marka la eego kororka dakhliga gudaha.

Kulanka Wadatashiga Miisaaniyadda Dowladda ee 2022-ka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Suleyman Sheekh Cumar, Agaasinka Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda iyo hawlwadeennada Wasaaradda Maaliyadda.

Dhawaan ayaa la filayaa in golaha wasiiradda la hor-geeyo miisaaniyadda 2022 si ay u ansaxiyaan.