Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maalintii 2-Aad Galay

MIQDISHO-AYAAMAHA-Shirka u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ka jira oo shalay ka furmay Teendhada Afiysooni ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta galaya maalintii labaad.

Shirkaan oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo waxyaabihii ka hirgalay heshiiskii 27-kii May ee hannaanka doorashada dalka.

Madaxda ayaa shalay inta uu socday Shirka isaga xog-wareystay waxyaabaha u qabsoomay, horumarada la sameeyey iyo haddii ay jireen caqabado mudadii bisha ahayd ee ay kala maqnaayeen, kadib heshiiskii la gaaray.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Shirka ay ka qeyb geli doonaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay, kuwaasi oo tababar ku saabsan howlaha doorashada uga socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.