Shirka Madaxda Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada Oo Maanta Furmaya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirka u dhexeeya Madaxda dolwadda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Teendhada Afisyooni oo shirarkaan oo kale lagu qabto.

Shirka oo uu guddoomin doono Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka, howlihii ka qabsoomay tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo caqabadaha la gudboon heshiiskii doorasho.

Dhinaca kale Maamulka Hirshabeelle ayaa gebi ahaan qaadacay ka qeyb galka Shirka looga hadlayo doorashada, waxaana Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka lagu sheegay in aan latashi lagala sameeyn Shirkaas, ayna quseyn wixii kasoo baxa.

Sabtidii shalay ayaa qorshuhu ahaa in uu shirkaasi furmo balse sababo la xiriira Madaxda dowlad Goboleedyada oo Muqdisho ka maqnaa uu u baaqday, hayeeshee waxaa haatan ku sugan Muqdisho Madaxweynayaasha maamulada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland & Puntland halka uu maqan yahay Madaxweynaha Hir-Shabeelle.