Shirka Wadaada IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa lagu wadaa in manta ooTalado ah Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ka furmo meertada 39aad ee Shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD, kaas oo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dalalka ku midoobay Urur Goboleedka IGAD.

Shirka ayaa qorshuhu ahaa in Soomaaliya uu uga qeyb galo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, balse booqasho uu u aaday dalka Turkiga, waxaana matalaya oo Magaalada Nairobi gaaray Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlayaa xaaladaha dalalka ay kajiraan colaadaha, sida Soomaaliya oo amni daro weyn ay kajirto, xiisadda u dhaxeeyso dalalka Itoobiya iyo Suudaan iyo sidoo kale dagaalada sokeeye ee kasocda Itoobiya.

Sidoo kale waxaa shirka siweyn loogu falan qeyn doonaa Arrimo ku saabsan saameynta ka dhalatay Abaaraha iyo sida looga gudbi karo, iyada oo dalalka sida weyn ay abaarta u saameysay ay kamid yihiin, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo matalaya Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Guud ee dalka, sida Amniga & Abaaraha, isaga oo sidoo kale inta uu shirka  socdo kulamo doceedyo la qaadan doono Madaxdanka qeyb galeysa Shirka.

Madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa sanad walba shira, iyaga oo markaasi siweyn uga hadla xaaladaha iyo dhibaatooyinka kajira dalalka ku mideysan IGAD, waxaana laga soo saaraa Warmurtiyeed ku saabsan waxyaabihii ay Madaxda ka hadleen.