Shirka wadatashiga doorashooyinka oo maalinta Koobaad lasoo gabagabeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Teendhada Afisiyooni ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa lagu soo geba-gabeeyay maalintii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.

Shirka oo uu gudoominayay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Madaxweynayaasha Shanta dowlad Goboleed & Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, waxana looga hadlay sidii loo wajihii xalka gaarista Arrrimaha doorashooyinka.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa gaaray isfaham, isla markaana maalinta berito oo Axad ay ay madaxda dib isugu soo laban doonaan si ay shirka u sii amba qaadaan.

Midowga Musharixiinta, inta badan saamileyda Siyaasadeed ee dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay shirka, iyaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay kasoo baxaan heshiis laga gaaro doorashada.