Shirka Xildhibaannada Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka oo Muqdisho ka furmay

MUQDISHO-AYAMAHA-Magaalada Muqdisho ka bilowday kulankii ugu horeeyay ee kalfadhiga koowaad ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka, kadib markii 14 kii bishan la dhaariyay.

Golaha Aqalka Sare ayaa ka kooban 54 xubnood, waxana soo doorta Barlamaannada maamul goboleedyada

Shirka Aqalka Sare waxa gudoominaya Gudoomiyaha KMG ah Maxamad Cali Yuusuf.

Ajandayaasha shirka waxa kamid ah hadal jeedinta Gudoomiyaha, iyo qaybinta xeerrarka lagu maamulayo doorashooyinka guddoonka iyo madaxweynaha.