Shirkada Twitter Oo Gabi Ahaanba Hawada Ka Saartay Cinwaanka Madaxweyne Trump.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shirkadda Twitter ayaa sheegtay inay hadda si rasmi ah meesha uga saartay cinwaanka Madaxweyne Trump.

Barta Twitter ayaa sheegetay in go’aankan ay gaartay ka dib markii baaritaan lagu sameeyay qoralladadiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigo barta.

Waxay Shirkadda sheegay in ay jiraan walaacyo laga qabo halis sii hurin karta rabshadaha haatan ka taagan Mareykanka.

Tallaabadan ayaa imanaysa iyada oo shirkada onlinka ah ay maalmahan meesha ka saaraysay cinwaanada baahiya erayada kicinta ah ama dhibaato horseedi kara, gaar ahaan taageeryaasha Trump.

Qaar ka mid ah sharci dajiyaasha Mareykanka iyo dadka caanka ayaa muddaba ku baaqayay in bata twitter ay gabi ahaan meesha ka saarto cinwaanka madaxweyna Trump.

Marwadii hore ee mareykanka Michelle Obama ayaa khamiistii barteeda twitter-ka shirkada kaga codsatay in ay joojiso qoraallada trump ee dhaqan xumida ah sidoo kalana gabi ahaan meesha ka saaran cinwaanka madaxwyenaha Trump.

Arbacadii 12 saacadood ayay xirtay shirkadda cinwaanka Mr Trump, ka dib khalalaasihii ka dhacay xarunta congress-ka iyadoo sheegtay inuu mar kale isticmaali karo maaddaama uu tiray saddex qoraal oo ay sheegtay inuu meel ka dhac ku yahay siyaasadda bartaas.