Shirkii Beesha Murunsade oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray Shirkii Beesha Murusade ee Afar maalin ka socday Muqdisho kaas oo ku saabsanaa tabasho ay ka qabaan dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Xasan Sheekh.

Beesha Murunsade ayaa war-murtiyeedkooda waxaa ay ku sheegeen in lakala qaado Xilalka Guddoomiyaha iyo Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho inta go’aan laga gaaro Maqaamka Caasimada.

Beesha Murusade ayaa dalbatay in la siiyo Maqaamka Caasimada.

Beesha Murusade ayaa sheegay inay doonayaan in dagdag loo kala qaado xilka Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha G/Banaadir oo labo xil laga dhigo. Midkoodna iyaga xaq u leeyihiin.