Shirkii RW Rooble iyo madax goboleedyada oo baaqday iyo waji cusub oo dalka galey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa dib u dhac uu ku yimid Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka, kaas oo la filayay 27 bishan inuu ka furmo magaalada Muqdisho, kaas oo uu dhawaan iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sababta dib u dhaca shirka ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan inay tahay in Madaxweynaha Puntland  Saciid Cabdullaahi Deni uu codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Waxaa hadda Puntland ku sugan madaxdii hore ee Puntland iyo xubno horey xilal uga soo qabtay dowladda federaalka, kuwaas oo xal u raadinaya xiisadda, wuxuuna Deni codsaday in la siiyo muddo toddobaad ah.

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa la filayay in looga hadlo dardar gelinta geeddi socodka, toosinta iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Dib u dhaca Shirka Golaha wadatashiga Qaran ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku fashilmay qabaahada doorashooyinka, isla markaana uu ku baaqay shir lagu saxaayo jiheynta doorashooyinka.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa hada waxaa soo wajahay cabsi xoogan oo ku aadan xiisadaan cusub ee kasoo cusboonaatay dalka oo u dhaxeysa Ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta iyo Madaxweynaha Muddo xileedkiisa dhammaday, waxaana khilaafkooda sababikaraa dagaal ka dhaca Muqdisho, taas oo aan la ogeyn natiijada ka dhallankarta.