Shirkii Wasiirada Maaliyadda Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed oo lagu kala tagay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya iney jirto wal wal laga qabo inuu fashil kusoo dhamaado shirkii u dhexeeyay wasiirada Maaliyada dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, kaasoo galay marxalad adag.

Shirka oo Warbaahinta banaan joog ka tahay ayaa galay xaalad adag, waxaana weli taagan caqabadii markii hore keenta in Wasiirada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ay ku dhawaaqaan ina xiriirka u jareen Wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobka ugu weyn ee Wasiirada ay isku hayaan ayaa ah sida loo qeybsanayo deeqaha lagu helo magaca Soomaali weyn, iyadoo dhanka dowladda lagu eedeenayo iney damacsan tahay sad bursi.

Dowlad Goboleedyada ayaa ku doodayaan in wax lagu qeybsado qoondadii Hore ee 60/40, iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay 40%, halka dowladda Federaalka ay ku doodayso in lacagaha deeqaga ah loo qaybsado si siman

Si kastaba, Shirkan looga hadlayo nidaamka maaliyadda dalka iyo gadoodkii Wasiirada Maaliyadda DG ee sababay inay wadajir ugu dhawaaqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda DFS ayaan laga ogeyn waxa ka soo bixi kara..