Shirqool cusub oo lala damacsan yahay Fahad Yaasiin oo maanta ka bilowday Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xarruunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa Ayaa Maanta ka Bilaabatay Diiwaan Galinta iyo Aqoonsi (Id Card) siinta Xildhibaanadda Cusub ee Baarlamaanka 11_Aad ee Golaha Shacabka BJFS.

Waxaana daah furay Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka BJFS Muddane Cabdikariin Xaaji cabdi buux.

Waxay umuuqataa mid si boob siis ah howsha loo galayo iyadoo jadwalka aan lagu muujin ID bixinta xildhibaanada xilliga ay noqoneyso.

Balse isla maanta ayaa labo shaqo oo waa weyn la qabtay oo ah in shahaadada rasmiga ah lasiiyo xildhibaanada iyo in Aqoonsiga ID card lagudoonsiiyo.

Xildhibaanada ugu horeeyey ee la diin waan geliyey islamarkaana aqoonsiga lasiiyey waxaa ka mid ah Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow,Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey iyo kuwo kale.

Xoghaye Buux ayaa la rumeysan yahay inuu nabad iyo nolol ka furtay waayadii dambe isagoo xafiiska RW Rooble ku fiilo xirtay waana shakhsiga saameyntiisa soo banaan bixiyey saacadihii lasoo dhaafay.

Waxa la isku dayayaa in Fahad Axmed Daahir la hor istaago maadaama ID Card-ka la bixinayo aan la ogeyn waxa uu ku geli doono Xarunta golaha shacabka maadaama isaga aan shahaado lasiin doonin oo Guddiga FEIT ay ka reebeen liiska xildhibaanada ay soo gudbiyeen habeen hore.

Weli Villa Soomaaliya si cad ugama aysan hadlin xaalada socota iyadoo arimaha shirqoolka lala damacsan yahay Fahad Yaasiin ay kor kala socoto lana sugayo jawaabta ay soo bixin doonaan.