Shirweynaha Hiigsiga Caasimadda Muqdisho oo la daah furay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta Muqdisho ka furay shirweynaha Hiigsiga Caasimadda Muqdisho.

Shirweynahaan ayaa Waxaa qayb ka ah qaybaha kala duwan ee bulshada sida dhalinyarada, Haweenka, bulshada rayidka, ganacsatada, ardayda Jaamacadaha iyo dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Shirweynahaan ayaa socon doono 3 da maalin ee soo socoto waxaana looga wada hadli doonaa arrimo ay ugu muhiimsanyihiin

1. Bey’ada iyo la qabsiga Cimilada
2. Kobcinta dhaqaaaha
3. Adeegyada bulshada iyo guryeeynta
4. Amniga iyo badqabka bulshada
5. Kaabayaadha isku socodka

Waxaa gabagabada la filinayaa in Shirka ka dib uu Maamulka soo saari doono warbixinta Hiigsiga Caasimadda ee mudada fulintiisu noqon doono 2022 ilaa 2030 ka oo ah Hiigsiga fog ee Caasimadda.