Shuruud adag oo lagu xiray bixinta dhaqaalahii loogu qaban lahaa doorashada Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraalo ay u direen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada FEIT iyo SEIT ayaa waxay shuruud ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen.

Seddexdan dowladood ayaa waxaa ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed, isla markaana lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.

Tuhunka saddexdan dowladood ayaa yimid kadib markii dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya iyadoona wali walaac cusub laga qabo in doorashada Golaha shacabka ay ku qabsoonto muddo kooban.